Ugu yaraan 26 qof oo ay ku jireen afar Maleeshiyo oo ay labo dumar yihiin ayaa lagu dilay iska horimaadkii ka dhacay Hotelka Splendid oo ku yaalla caasimadda dalka Burkino Fasso ee Ouagadougou.
Dadka lagu dilay Hawlgalkaasi waxaa ku jira  dad shisheeye ah oo ka soo kala jeeda 18-da.l
Wasiirka Amniga ee dalkaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inay Ciiddanka dileen 3 Maleeshiyo oo dad ku qafaashay Hotelka Splendid oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Wagaduugu.
Madaxweynaha dalkaasi ayaa isagana sheegay in dableygii  4-aad lagu dilay Hotel kaabiga ku haya Hotelka Splendid.
Wuxuuna intaasi ku daray in Hawlgalkaasi lagu soo badbaadiyey ugu yaraan 126 qof oo ku xayirnaa Hotelkaasi.
Wasiirka waxa kale oo uu tilmaamay inay Ciiddanka Hawlgal kale ka wadaan Hotel Labaad oo u dhow Hotelka Splendid.
Dhinaca kale, Maleeshiyadda Alqaacidada Galbeedka Afrika ee AQIM ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Hotelka Calaamiga ee Splendid.