Guddoomiyaha Gobalka W/bari ee dalkaasi, Maxamed Birik ayaa sheegay inay Ciiddamo ilaalo ah dhigeen Xuduudka, si ay uga hortagaan inay Alshabaab u soo gudbaan gudaha Kenya, xilli ay weeraro is-xigxigay ka dhaceen dalkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddankaasi ilaalo joogto ah ku mari doonaan Deegaanadda ku teedsan Xuduudka Somalia, si loo xoojiyo Ammaanka iyo dhismaha Derbiga Xuduudka ee looga hortegi doono weeraradda Alshaabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka W/bari ee Kenya, Maxamed Birik waxa uu tilmaamay in Ciiddanka Kaydka ee Boliska iyo ciiddamo dhawaan laga qoray Deegaanadda ku dhow Xuduudka ay qeyb ka yihiin dadaalka ay Hay’addaha Ammaanka ku xoojinayaan La-dagaalanka Alshabaab iyo inay ilaalo ka qabtaan Dhismayaasha Dowladda iyo goobaha laga qeybiyo biyaha, waa sida uu hadalka u dhigay.