Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka Yuhuudda xalay toogteen Nin Flaastiin oo ku sugnaa meel ku dhow magaalladda Baytu-laxam ee Koonfurta Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.
Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jirey  Axmed Jamaal Maxamuud oo 26-jir ayaa la sheegay inuu ku dhex jiray gaarigiisa, kadib, markii ay Askarta Yuhuudda ku toogteen Jid-gooyo ay dhigteen waddada laga galo magaalladda Baytu-laxam.
Toogashadaasi waxaa kaloo si xun loogu dhaawacay Nin kale oo Falastiini oo gaariga la saarnaa Marxuumka la dilay.
Marxuumka lagu dilay Toogashadaasi   ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday
Isbitaalka Bayt-jala, waana Marxuumkii 4-aad ee ay Askarta Yuhuudda dilaan labadi imaalmood ee la soo dhaafay.
Habeenkii Talaadada waxay Askarta Yuhuudda  siyaabo kala duwan toogasho ugu dileen 3 Dhallinyaro Falastiiniyiin ah.