Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo Culus oo Ciidanka Xoogga dalka ay saacadihii ugu dambeeyay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga dalka  Gaar ahaan Ururka 7aad Guutada 16-aad ayaa Hawlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeeyey Degaanada kala ah Gamboole, jameeco jiliyaale & Ceel cade ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Degaanad Markii ay Soo Gareen Ciidanku waxa ay sameeyeen hawlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka, waxaana degaanadaaasi markii hore falal amniga lid ku ah ka fulin jiray dagaalamayaasha Al-Shabaab, oo saameyn weyn ku lahaa degaanada ay Ciidanku la wareegeen.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah Hawlgalada Guud ee Ciidanka Xoogga dalka ay ka sameynayaan Gobolada dalka, kuwaasi oo ka dhan ah dagaalamaayasha Al-shabaab.