Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahAl Shabaab ka sameeyey deegaano dhowr ah oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.
Deegaanada ay ciidamada howl-galka ka fuliyeen waxaa ka mid ah Golashimbi, Beerxaani, Labikuus, Cabdi Dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Ciidanka ayaa intii uu howlgalku socday waxaa ay sheegen in ay khasaaro xooggan u geysteen Al Shabaab.
Dhame Cabdi Cali Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiishii howlgalka hogaaminaysay ayaa Jubbaland TV u sheegay in howlgalka khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyey Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.