Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maalmihii Dambe Howlgallo qorsheysan ka waday degaanno ka mid ah Shabeellada hoose ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo saaraan Miinooyin  Al-shabaab ay ku aaseen Waddada isku xirta Dhanaane iyo Jilib Marko.
Howlgalladan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Genershe iyo Jilib-marko ayaa waxay Ciidamadu ku dileen 18 ka tirsanaa Dagaalamayaasha  Al-Shabaab iyo Saraakiil .
Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal, Axmed Aadan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ee Ciidamada Xoogga Dalka halkaasi ka fuliyeen ay kusoo saareen Miinoyin  Al-shabaab ay ku aaseen Waddada hareeraheeda, si ay Shacabka iyo Gaadiidkoodaba ugu dhibaateeyaan.
Jeneraal, Axmed ayaa sheegay in Al-shabaab looga guuleestay howlgallada ka socda Dhulka Xeebta ah, isla markaana ay Ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dhawaan degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose waxaa booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) isagoo Ciidamada halkaasi ku sugan ku dhiirri geliyay inay sii Laba laabaan dedaalkooda ku aaddan sidii ay Dalka ugu xoreyn lahaayeen  Al-Shabaab.