Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay in ay bur-buriyeen gaadiid Al-Shabaab ka soo buuxiyeen walxaha Qarxa.
Ciidanka ayaa Shalay la wareegay deegaanka Janaay-cabdale oo qiyaastii magaalada kismaayo 60 km u jirta, waxaana ay sheegeen in  ay wadaan howlgalo ku baadi goobayaan dagaalamyaal ka tirsan Shabaab, islamarkaasna ay ku xaqiijinyaan ammaanka deegaankaasi.
ciidanka kumaandooska ayaa ka war helay sida ay sheegeen  gaari susuuki ah midabkiisuna yahay Madoow oo Al-shabaab kasoo buuxiyeen Walxaha qarxa, islamarkaasna doonayeen ineey ku waxyeeleeyaan shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ciidanka ayaa halkii uun yaalay oo ay deegaanka janaay cabdale kubur-buriyey.
Sidoo kale Gaari Hoomeey oo isna qaraxyo lagu soo raray ayay ku qabteen duleedka deegaanka Janaay-cabdale islabartiisa ayay ku bur-buriyeen, waxaana sidaas sheegay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda.
Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in shalay ilaa maanta deegaanka janaay-cabdale kasoo saareen 18 miino oo Al-shabaab ay kusoo aaseen wadooyinka, waxaana intaasi ku dareen Saraakiisha Ciidanku in Al-shabaab markii ay deegaanka ka baxayeen ay qarxiyeen ceelbiyoodkii dadka deegaanka ay isticmaalayeen.