Ciidamada xoogga dalka qeybta 21 aad ayaa saaka lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan koofurta gobolka Mudug, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka.
Waxay fadhiisamo cusub ka sameysteen degaanka Bajeele ee gobolka Mudug, iyadoo bulshada degaanadaas ku dhaqan kala hadleen ka wada shaqeynta amniga iyo la dagaalanka Alshabaab oo mararka qaar soo gala degaankaasi.
Saraakiisha Ciidanka horkacaysa ayaa madddooyinkii dambe waxaa ay sheegeen in ay kordhiyeen howlgalada ay ku kula dagaalamayaan Alshabaab ee ku sugan koofurta gobolka Mudug.