Taliska Ciidanka Booliska ee Gobolka Mudug ee dhinaca Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay soo qabteen gaari noocan raaxada laga soo dhacay deegaan ka tirsan Maamulka Galmudug.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Mudug ayaa waxaa lagu sheegay in Gaarigaas ah oo ah Probox-ka ay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka amniga, kaasi oo todobaad kahor laga soo dhacay Galmudug.
Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in soo qabashada gaariga ay ku timdi wada shaqeynta buuxda oo dhexmartay laamaha amniga Gobolka iyo shacabka Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland.
“Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug, Taliska Booliska waxeey xoojin doonaan wada shaqeeynta laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug†ayaa lagu yiri Qoraalka.