Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada Qudus, Kaamjaroon, Beer-Xaani iyo Janaay Cabdalle, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaas laga sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana aysan la kulmi wax iska caabin ah oo uga yimid dhanka Al-shabaab inta uu socday howlgalka.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa ay tilmaameen inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo ay sheegeen inay ku doonayaan in ay Al-shabaab ay kaga saaraan deegaanada Gobolada Jubbooyinka.
Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ka wada howlgal ka dhan ah Al-shabaab, iyadoona dhowr jeer halkaas ay dagaalo ku dhexmareen labada dhinac.