Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay gudaha iyo duleedka Degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas uu saakay ka dhacay dagaal xoogan.
Qoraal uu soo saaray Maamulka Degmada Balcad ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka Ciidanka ay sameeyeen lagu soo saaray miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen wadada laamiga ee isku xerta Degmada Afgooye iyo Balcad.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in miinooyinkaas la doonayay in lagu dhiibaatooyo shacabka isticmaalaya wadada, iyagoona xusay inay laba miino halkaas kasoo saareen.
Al-shabaab ayaa saakay weerar xoogan ku qaaday Degmada Balcad, waxaana halkaas uu dhexmaray Ciidanka Dowladda Federtaalka iyo raggii shabaabka ahaa, iyadoo uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka dhankooda uu gaaray Khasaaro dhaawacyo, sidoo kalena Al-shabaab ayaa sheegtay inay dileen 4 Askari, ayna dhaawac gaarsiiyeen 7 kale.