Wararka aan ka helayno Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku warramaya in Saaka Ciidanka Dowladda ay ka wadaan howlagallo ballaaran.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidanka oo aad u hubeysan ay haatan dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wadaan duledka Dhuusamareeb oo ah Caasiamadda Gobolka Galgaduud,waxaana ay Ciidanku kusii jeedaan sida lasoo sheegayo degaanno ay ku sugan yihiin dagaalamayasha Al-shabaab.
Sarakiisha Ciidanka hoggaaminaysa ayaa sheegay in ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan degaanno dhowr ah oo ka maqan gacanta Ciidanka Dowladda iyi kuwa Maamul Goboleedka Galmudug.
Dhawaanahaan duleedka Dhuusamareeb waxaa Ciidanka dowladda ay ka wadeen howlagallo ay kula dagaalamayaan dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana horay u dhacay dagaalo u dhexeeya labada dhinaca.