Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tarsal Al-shabaab.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay buundada Bariire iyo tuulada Nuungare oo ka tirsan degaanka Bariire, iyagoona sheegay inay ku dileen in ka badan 18 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab iyo Sarkaal.
Taliyaha ururka 143Aad ee Xoogga Dalka dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in howlgakaas lagu dilay Sarkaal uu magacaabiisa ku sheegay Siidow Nuur Abuu Muxsin iyo 18 dagaalame.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in Saraalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxii Jabhadda ee dhanka Gobolka Shabeellaha Hoose, waa sida uu hadalka u dhigay Taliye Axmed.
Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa DANAB ayaa howlgalka ka dhan ah Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas marar farabadan ka dhacay dagaalo dhexmaray dhinacyada, sidoo kalena ay ka dhaceen qaraxyo Khasaaro geystay oo lala eegtay Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.