Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ee sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa saakay howlgalo kala duwan ka wada Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Ujeedka Howhalka ka socda Balad-xaawo ayaa Saraakiisha Ciidanka dowladda waxaa ay ku sheegeen inuu yahay mid looga hortego waxyaabaha degmadaas kasoo galaya dhanka Xuduudka Kenya.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay tilmaameen in howlgalka ay ku doonayan inay uga hortegaan in Balad-xaawo Qaadka looga keeno dalka Kenya iyo waxyaabaha kale ee maandooriyaha ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kal hore Ciidamo badan geysay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyagoona halkaas ka sameeyay howlgalo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga.
Si kastaba Dowladda ayaa joojisay qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus oo ka jira dalkaas, isla markaana uu Cudurka soo ritay dad badan oo ku sugan halkaas.