Ciidanka Xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay ku dagaalamay deegaan lagu magacaabo Orshe oo dhinaca Bari 50-KM ka xira Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin inta uu la egyahay, maadama aysan dadka ka agdhawaan karin aaga.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in si buuxda gacan ku heynta deegaanka Orshe kula wareegeen, ayna Al-shabaab halkaas ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan, waa sida hadalka loo dhigay.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in Shabaabka ay ka furteen hub ay wateen, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Orshe oo 50 KM u jira Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona halkaas ka wada howlgal lagu xaqiijinayo amniga.
Si kastaba Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale Al-shabaab ugala wareegay deegaano ay uga sugnaayeen Gobolka Galgaduud, kadib dagaalo geystay khasaaro oo dhinacyada dhexmaray.