Ciidamadda kumaandooska Xoogga dalka ee Danab iyo gor-gor oo siwada jir ah u howlgalayay ayaa Al-shabaab kala wareegay degaanada jilib marko iyo Gendershe oo hoos-yimaado degmada marko ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ujeedkiisu ahaa in Al-shabaab laga xoreeyo dhulka xeebta ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada marko.
Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabaka Sida u sheegay in ciidanka intii ay howlgalka xoreeynta ah kuguda jireen ay ku dileen laba Sarkaal oo la xusay in Al-shabaab ay u qaabilsanaayeen degaanada xeebta ah ee ay ciidamadda la wareegeen.
Taliye G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa saraakiisha la dilay waxaa uu Magacyadooda ku kala sheegay xeroow, iyo ciise yare, waa sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa haatan waxay wadaan howlgalo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan amaanka degaanada jilib marfko iyo gendershe ee Gobolka shabeellaha Hoose.