Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen wadada laamiga ah ee u dhexeeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.
Ciidamada ayaa halka loo yaqaano Ceel-geeloow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay miino ku aasayeen wadada.
Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalik ayaa Idaacadda Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay in Ujeedka howlgalka uu ahaa  mid lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin wadada u dhexeeysa Jowhar iyo Muqdisho.
Sidoo kale G/le Ismaaciil ayaa tilmaamay inay howlgalka intii ay kuguda jireen kusoo saareen miinooyin lagu aasay wadada, isla markaana la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka halkaas ku safra, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ka fuliyay wadada u dhexeeysa Jowhar iyo Muqdisho, waxaana halkaas lagu dilay Xildhibaano, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsanaa Maamulka Hirshabeelle.