Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen deegaanka Shabeelow ee Gobolka Mudug oo maalmo kahor ay ku dagaalameen dadka deegaanka iyo Al-shabaab
Ciidamada Dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saakay dhaq-dhaqaaqyo Ciidanka ka wada deegaanka Dhagaxleey oo qiyaastii 20 KM u Jirra Shabeelow ee Gobolka Mudug.
Saraakiil ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay doonayaan in howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka sameeyeen dhammaan tuulooyinka hoostega deegaanka Bacaadweyn.
Shabeelow ayaa dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ku dhexmaray dadka deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana halkaas ku geeriyooday dad ku dhow 16 qof oo labada dhinac ah, halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen.
Sawirro lasoo qaaday laguna faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa lagu arkayay Ciidamada Kumaandooska DANAB oo ku sugan dhul-howd kana tirsan deegaanka Dhagaxleey ee Gobolka Mudug.