Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo loo yaqaano Danab oo ay wehliyaan AMISOM ayaa saaka qabsaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo hoostaga degamada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo sanadihii dambe ay gacan ku hayeen Al-shabaab
Ciidamadan ayaa labo jiho kagalay deegaanka iyagoo u maray dhinaca Mareereey halka kuwo kalena ay ka gubeen dhinaca Webiga Afgooye iyago sii maray Tuulada lagu magacaabo Cumar Beere.
Al-shabaab ayaa la sheegay markii ay ka war heleen in deegaanadaas ay usoo ruqaansadeen ciidamo huwan ah ayaa waxaa la sheegay inay deegaanadasi faarujiyeen, waxaana ciidamadaasi is garabsanayay u suura gashay iyadoo aan wax dagaal ah dhicin inay la wareegaan gacan ku heynta deegaanadaas,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu dagaal kooban dhacay.
Ciidamada deegankaasi qabsaday ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab gaari nooca booyada sida ay baahisay warbaahinta dowlada.
Dadka kunool deeganada Bariire,Daarusalaam,Mubaarak iyo Awdhiigle ee Shabeellaha ayaa bilaabay barakac xoogan ,iyagoo ka cabsi qaba inuu halkaasi dagaal ku dhexmaro Al-shabaab iyo Ciidamada huwanta ah ee dhaqdhaqaaqa ka wada Gobolkaas.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa duleedka deegaanka Bariire ay soo buux dhaafiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Wararka ayaa intaas waxa ay ku darayaan in Al-shabaab deegaanka Bariire ay ku leeyihiin Maxkamad weyn oo ay ugu kala garqaadaan dadka dhulalka iyo arrimaha kale ee qoyska isku heysta,sida dadka deegaanka ay sheegeen,iyagoona Caawa halkaas dadka ku dhaqan lasoo warinayo inay kusoo rogeen Bandow.