Ciidamada Badda PMPF ee Maamulka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay xeebaha deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Barri iyo Sanaag ee Puntland.
Ciidanka Badda PMPF ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay xeebta deegaanada Warbad, Sanqalooc, Beeraha Hays, Jaanka Ceelaayo, Biyo-Cad, Wadada Habaarwaali iyo Dhagcaan oo ka tirsan dhamaantood xeebha gobalada Barri  iyo Sanaag.
Howlgalkan ayaa ka dambeeyey markii ay ciidamada heleen macluumaadka la xariira in doonyo hub wada iyo dhaq-dhaqaaq Argagixiso uu ka jiro deegaanada howlgalka laga fuliyay.
Saraakiisha hogaaminayay Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa sheegaya in doonayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen in xeebaha Puntland laga soo dejiyo hub sharci darro ah, isla markaana howlgalka uu kasii socon doono xeebta iyo gudaha Badda.
Maalmo kahor ayay aheyd markii Ciidanka PSFÂ ee Maamulka Puntland howlgal ka sameeyeen xeebta Laasqoray, iyagoona kusoo qabtay doonyo iyo saxiimado dhowr ah oo laga leeyahay waddanka Yemen.