Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka ayaa daqiiaqdo kahor gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku toogteen rag la sheegay inay hubeysnaayeen.
Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Ciidanka raggaas oo laba ahaa ay ku toogeen Suuqa Khaliifa, iyagoona ku hubeysnaa Bastoolado.
Sidoo kale Ciidanka amniga dowladda aya waxaa la tilmaamay inay dhaawac u geysteen laba ruux kale oo rag ahaa, kuwaasi oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay la socdeen ragga la toogtay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa haatan ku sugan Suuqa Khaliifa ee dhex yaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyagoona halkaas ka wada howlgal kala duwan.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan raggan lagu dilay iyo kuwa dhaawacay gudaha Suuqa Bakaaraha.