Waxaa Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Hotel Maa’ida Ex Naasa-hablood2 ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay meel ku dhow Hotel Maa’ida Ex Naasa-hablood2, waxaana qarxiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soonaaliya.
Kahor inta aan la qarxin qaraxa ayaa waxaa dhammaan dhismayaashii ku yaalla halkaas laga saaray dadkii ku jiray, waxaana Ciidanka ay xireen Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Hotelka Maa’ida.
Hayeeshee xaalada aaga Ciidanka ay ku qarxiyeen Miinada ayaa si caadi ah ku soo laabatay, kadib markii halkaas laga sameeyay howlgalka.