Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa deegaanka Xananbuure iyo tuulooyin kale oo hoostega deegaankaas ka bilaabay howlgal xoogan oo lagu raadinayo dad dil geystay.
Ciidanka oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa howlgal ballaaran ka wada Maanta Xananbuure, iyagoona ku raadinaya rag maleeshiyo beeleed oo dad shacab xalay ku dilay inta u dhexeeysa Xananbuure iyo miir-jiiclay.
Saraakiisha hoggaaminaya howlgalka Ciidanka ayaa sheegay in ragga falka geystay oo ahaa maleeshiyo beeleed ay ku bada jiraan, isla markaana markii la soo qabto sharciga la horgeyn doono, si tallaabo waafaqsan sharciga looga qaado.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in labada qof ee xalay lagu dilay inta u dhexeeysa Xananbuure iyo miir-jiiclay ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo loo dilay aano qabiil oo muddo lagu howlanaa sidii loo soo afjari lahaa, balse lagu guud-darreystay.
Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale laba ruux loogu dilay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, xili uu falkaas la xiriiray aano qabiil, welina aan gacan lagu soo dhigin ragii ka dambeeyay, Galmudug ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka iyo dagaal beeleedyada la xiriira qabaa’ilka.