Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay la wareegeen gacan ku heynta Xarunta Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ciidanka Ahlusunna ay gebi ahaan la wareegeen gacan ku heynta Degmada, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin
Sidoo kale Xarunta lala wareegay ayaa waxaa la qorsheynayay inay la wareegaan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan.
Tallabadaan ay qaadeen Ciidanka Ahlusunna ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Caawa Ciidamo ka tirsan ay rasaas ku fureen Xarunta Inji oo ay degan yihiin Madaxda Sare ee Ahlusunna Waljameeca, isla markaana uu ku sugnaa xiligaas Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka eek u sugan Dhuusamareeb oo ay uga hadlayaan Ciidankii la wareegay Xarunta degmadaas.