1,798 Askari u dhalatay Uganda oo bilowgii bishan dhamaystay Hawlgalkii AMISOMÂ ayaa waxaa shalay loo soo gebagebeeyey Seminaar Wacyi-gelin iyo La-talin dhanka Dhimirka iyo dib-ula-midoobida Qoysaska iyo Mujtamaca.
Ciiddanka seminaarka la siiyey ayaa waxay ka tirsanaayeen Kooxda 24-aad ee Dagaalka ee Ciiddanka Uganda, kuwaasi oo bilowgii bishan dib ugu laabtay dalkooda hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Hawlgal muddo 12 bilood ah oo ay qeyb ka ahaayeen Ciiddanka AMISOM.
Ciiddankaasi waxaa tababarka loogu soo xiray Xarunta Ciiddanka Difaaca Uganda ee Taageeradda Hawlgalladda Nabadda ee Degmadda Nakaseke ee Bartamaha dalka Uganda.
Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalkaasi, Jeneral Leopold Kayanda ayaa waxa uu shalay Tababarka u xiray Ciiddamo tiradoodu dhamayd 1,798 Askari oo uu soo dhamaystay Hawlgalkii AMISOM, kuwaasi oo uu Taliye u ahaa KolonelJackson Kyaanja.
Hadal uu Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda u jeediyey Ciiddankaasi waxa uu sheegay in Barnaamijka Wacyi-gelinta ee la siiyey muhiim u yahay sidii ay Ciiddanka uga soo kaban lahaayeen Walbahaarka hawlgalladii cuslaa iyo xanuunka caafimaadka Dhimirka muddadii ay Hawlgalka u joogeen Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray Seminaarka la siiyey uu Ciiddanka u oggolaanayo inay ka macaashaan xaqiiqda Bulshadda iyo inuu taageero ka siiyo sidii ay ciiddanka si wadajir ah ugu biiri lahaayeen mujtamacyadooda.
Isla marka ay Ciiddanka tababar u baxayaan ama ka soo laabanayaan Hawlgal waxaa la siiyaa fasax hal bil ah, oo ay ku biiraan Bulshooyinka ay asal ahaan ka soo jeedaan.
Waa seminaarkii 6-aad ee noocaasi ah tan iyo markii la bilaabay Hawlgalka AMISOM, waxaana looga dan leeyhaay in Ciiddanka laga caawiyo dhibaatooyinka suurto-galka ah ee ay ka soo qaadeen Walbahaarka iyo isla-hadalka ee Xilliyadda Dagaalka ay u joogeen Somalia.
Bilowgii bishan, Askari ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa uu toogasho ku dilay Taliyihiisa iyo 4 ka mid ah saaxiibadiisa, ka hor inta uu isgaana is-tooganin.
Dhacdadan oo Argagax ka dhex abuurtay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa waxay ka dhacday Xarunta ugu weyn Hawlgalka AMIISOM ku leeyihiin Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho.
Kumanaan Askar u dhalatay Uganda ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM iyo Ilaaladda Khaaska ee Diplomaasiyiinta QM iyo xarumaha QM ee Somalia.