Maalma ka hor waxaa Wadooyinka Waaweyn ee magalada Muqdisho laga qaaday ciidamada xasilinta kuwaas oo mudo Sanad ku dhow gacanta ku haayey Magalada Muqdisho, ka dib cabasho ka timid Shacabka Muqdisho.
Wadooyin badan ee magalada ayaa ahaa kuwo kala xiran,waxaana taasi ay sababtey in Madaxweynaha Soomaaliya uu amar ku bixiyo in Shacabka magalada loo furo mudo 48 Saac gudahood,taas oo dhaqan gashay.
Kulan xalay ilaa shalay gelinkii dambe ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyey in amniga magalada Muqdisho lagu wareejiyo ciidamo Millateri ah si ay ula yimaadaan isbedel dhanka amniga ah.
Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in durba ciidamo ka tirsan kuwa Guutada 14-ka Octoper lagu wareejiyey muqdisho,isla markaana ay fariisin ka sameesteen Koontoroolada laga soo galo Magalada sida,Xerada Maslaxa, Ex- koontorol Afgooye iyo goobo kale,sidoo kalena la filayo in la geeyo isgoysyada qaar ee magalada muqdisho.
Ciidamada Guutada 14-ka Octooper oo ah Millateri ayaa la As’aasay wixii ka dambeeyey qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Isgouska Soobe ee Magalada Muqdisho,waxaana lagu tababaray isla magalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli waxa ay wadaa qorshayaal ay amniga wax uga badaleyso maadaama,iyada oo ciidamo meel walba la dhigay hadana weli qaraxyo ay dhacayaan.