Nidaamka Difaaca Gantaalladda Israel ee loo yaqaano The Iron Dome defence system ayaa la sheegay inay toogteen, soona riday diyaarad nooca aan Duuliyaha Lahayn ee Drone-ka oo ay Milliteriga Israel lahaayeen.
Ilo milliteri oo la hadlay Idacadda Isarel Public Broadcasting Corporation ayaa waxay shalay oo Talaado ahayd sheegeen inuu Shilkaasi dhacay muddadii uu socday Dagaalkii 11-ka maalmood ee ka socday Marinka Qasa ee dhulka Reer Falastiin.
Warbaahinta si rasmi ah uma aysan shaacinin xilliga la soo riday diyaaradaasi Droneska oo Hawlgal sahan ku maraysay Hawada Deegaanada Marinka Qasa.
Iska horimaadkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 253 Falastiiniyiin ah, halka in ka badan 1,900 oo kalena lagu dhaawacay. Jimcihii la soo dhaafay ayey labada dhinac gaareen Heshiis Xabbad-joojin oo ay Dowladda Masar ka soo shaqeysay.