Waxaa degan xaaladda deegaanka Nagaarta ee hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.
Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa tegay deegaanka Nagaarta, isla markaana kala dhex-galay maleeshiyaadkii uu dhexmaray dagaalkii khasaaraha kala duwan geystay.
Ciidanka oo uu hoggaaminayay korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa ku guuleystay joojinta rasaastii labada dhinac ay isdhaafsanayeen, iyagoona haatan wada kulamo lagu doonayo in la isugu keeno dhinacyada.
korneyl Maxamuud Baakay ayaa sheegay in xaaladda deegaanka uu yahay mid degan, isla markaana labada dhinac ay kala dhex-galeen Ciidanka dowladda Federaalka, uuna socdo qorshe lagu kala qaado dhinacyada.
Khassaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Nagaarta ee hoostega degmada Matabaan, waxaana halkaas ku geeriyooday 5 ruux, halka in ka badan 10 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.
Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aano qabiil, iyadoona marar kala duwan la isku dayay in xal laga gaaro dagaal beeleedyadan soo laab-laabtay, wallow aan lagu guuleysan arrintaas.