Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya israsaaseeyn Xalay ka dhacaday Magaalada Muqdisho oo u dhexeeysay Ciidamo ka wada Tirsan dowladda, waxaana xalay la maqlayay dhawaqa rasaas xooggan oo ay isku adeegsanayeen.
Israsaaseeynta ayaa dhexmartay Ciidamo Boolis ah iyo Millateri, waxaana ay ka dhacday Degmada Cabdi Cassiis ee Gobolkani Banaadir gaar ahaan aagga Liido.
Ma jiro wax khasaaro ah oo laga soo wariyay dagalka kooban ee dhexmaray Cidanka ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ee kala ah Booliska iyo Millateriga, waxaana markii dambe lagu guuleystay in la kala dhex-galo dhinacyada Israsaaseyntu dhexmartay.
Horay Taliyaha Booliska degmada ayaa soo saaray amar ah in aan Qori ama Bastoolad lala soo geli karin Aagga Liido, waxaana la sheegay in Ciidanka Miilateriga ahi ay hubkooda wateen, taasina ay keentay in labada dhinaca ay israsaaseeyaan.
Inta badan Ciidamada ka wada tirsan Dowladda ayaa waxaa dhexmara Israsaaseeynta noocaan ah, waxaana ka dhasha Khasaaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaara dhinacyada dagaalama iyo dadka shacabjka ah ee lagu dul dagaalamo.