Galabta ayaa waxa uu degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay ku dhexmaray Ciidmo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Dagaalka oo aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo,ayaa dadka ku nool degmada Afgooye wax ay sheegeen in uu ku dhintay hal Askari halka 9 ruux oo Shacab iyo Ciidamo isugu jira ay ku dhaawacmeen.
Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa xoogaa hakad galay isu socodka Ganacsiga Gudaha degmada Afgooye oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.
Wariyaha Radio Dalsn ee degmada Afgooye Maxamed Cusmaan Ma’da ayaa soo sheegaya in xaalada Caawa ee degmada Afgooye ay tahay mid degan oo sideedii hore ku soo laabatay.
Iskudhaca Ciidamada dowladda dhexdooda a ah ayaa waayadaan soo laab laabtay,waxaana Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay ay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda ay ka dhaceyn degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir.