Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwii dhawaan dowladda Soomaaliya geysay halkaas ay Maanta xoog ku galeen dhisamaha Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Galmudug.
Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ciidanka xooga ku galay Xarunta Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Galmudug ay yihiin kuwii dhawaan halkaas la geeyay ,waxaana Dhismahaas ka Agdhow dhismayaasha ay degan yihiin Madaxda Xukuumadda Galmudug iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca.
Ciidanka halkaas galay ayaa waxaa Saraakiisha hogaamineysa ay sheegeen in ay sugayaan Ammaanka Xarunta Shiirkole oo uu ka dhacaayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,isla markaana ay doonayan inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Xaruntaas.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Saraakiisha Ciidanka dowladda ee galay Xarunta Wasaaradda Biyaha Galmudug ay u tageen Madaxda Xukuumadda Galmudug Shekh Shaakir iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas,iyagoona Ciidanka ka dalbaday inay baneeyan Xarunta,hayeeshee ay arrintaas iska diideen Ciidankii galay Xarunta Wasaaradda Biyaha.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo ay uga hadlayo wararka sheegaya in Ciidamo dhawaan la geeyay Dhuusamareeb ay xoog ku galeen Xarunta Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Galmudug .