Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan deegano hoostaga degmada Balcad ee gobolkaas ayaa waxa ay sheegayaan in qarax Mino lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa la sheegay in Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay Miino la kacday xili uu marayay inta u dhaxeysa Tuulada Qalimow ilaa degmada Balcad oo isku jira 30km.
Weli macada khasaaraha ka dhashay qaraxaas,balse wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro gaaray ciidamadii saarnaa gaariga,sida uu radio Dalsan uu sheegay qof ka mid ah dadka Tuulada Qalimoow.
Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin qaraxaan ciidanka lagula eegtay Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli halkaasi ay marayeen.
Sikastaba dhawaan ayay aheyd markii qarax Miino loo dhigay Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Balcad inta u dhaxeysa Tuulada Isgoys iyo gololey waxana xigay dagaal ay ku geeriyoodeen Masuuliyin ka tirsan Maamulka degmadaas oo halkaasi ka dhacay.