Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa weerar khasaaro dhaliyay lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Ciidamadaan ayaa xiliga la weerarayay waxa ay marayeen meel aan ka fogeyn Buuraleyda Galgala, iyaga oo ka yimid dhanka Magaalada Boosaaso.
Goobjoogayaal ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in weerarkaas ay ku geeriyoodeen laba ka mid ah Ciidamada Daraawiishta Puntland ee gaariga la weeraray saarnaa iyo qof Haweeney ah oo Shacaba taas oo Goobta ku sugneed.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in uu jirto dhaawaca 5 kale,mana jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas lagu dilay ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland