Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay qarax xoogan lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka aaso ah ayaa waxaa Kolonyada Ciidamada ay la socdeen lagula eegtay xili ay socdaal ku marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Finow iyo Sheekh Barrow oo hoostega Magaalada Mandheera.
Al-shabaab warar ay ku faafiyeen barahooda dhinaca qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas qabsaday Ciidamada, iyagoona sheegay inuu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay ku dileen 6 Askari oo isugu jira Kenyaati iyo kuwa dowladda Federaalka, isla markaana uu jiro Askar oo ka tirsan labada Ciidan oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weerarka.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa weli wax war ah kasoo saarin qaraxaas Khasaaraha geystay ee ka dhacay inta u dhexeeysa deegaano hoostega Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.