Faah fahino dheeraad ah ayaa ka soo bxay Qarax Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose Gelinkii dambee Manta.
Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa qarax Miinada nooca dhulk aaso ah loo dhigay xili ay marayeen inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegeen dad Gooobjoogayaal ah.
Weli lama cadeyn khasaaraha rsmiga ah ee ka dhashay qaraxaas lala eegtay Ciidamada AMISOM, bale War ay ku soo qoreen Al-Shabaab baraha ay ku leeyihiinInternet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxaas uu ku geeriyooday hala Askari sidoo kalena Gaari uu ku gubtay.
Majiraan Warar madaxbaanan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab eek u dan in qaraxaas uu ku geeriyooday skari ka tirsan Ciidamada AMISOM.