Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Dalka Uganda sida ay Warbaahinta ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Uganda ee ku sugan Gudaha dalkaas.
Ilaa 13 Sarkaal oo u dhashay dalka Uganda ayaa la qorsheeyey in ay soo gaaraan Muqdisho iyaga oo ka soo bixi doona Magaalada Kampala ee dakaasi Uganda kuwaas oo bedeli doona Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Uganda oo ku sugan Magaalada Muqdisho.
Saraakiishaan ayaa la sheegay in ay Ciidamada Booliiska Soomaaliya kala Shaqeyn doonaan Sugida amniga dalka Soomaaliya.
Dowladda Uganda ayaa waxa soomaaliya ka jooga Ciidamo farabadan kuwaas oo ku howlgalla Magaca Amisom,waxana Uganda ay aheyd markii ugu horeysay oo ay ciidamo Booliis ah u soo dirto Soomaaliya Sanadii 2012,kii