Taliyaha Guud ee Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn waxa uu maanta Shahaadooyin Abaalmarino ah guddoonsiiyey Ciiddan ka socday Uganda, kuwaasi oo dhamaystay waajibaadkii shaqo ee ay muddada halka sanno ku joogeen Somalia.
Ciiddankaasi oo ka tirsan Kooxda 24-aad ee Milliteriga Uganda waxay door muhiim ah ka qaateen sugidda Ammaanka Xarumaha DFS, Garoonka Diyaraadaha Aadan Caddee, Dekedda Muqdisho, Degmooyinka Gobalka Banaadir, Afgooye, qeybo ka mid ah Degmadda Wanle-weyn ee Gobalka Sh/hoose iyo waddooyinka ay sahyda u soo maraan Hawlgalka AMISOM.
Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn ku bogaadiyey Ciiddanka Kooxda dagaalka ee 24-aad ee Uganda, sida ay uga hor tageen weerarada Alshabaab iyo sida ay u sugeen Xarumaha muhiimka ee ay ilaaladda ka hayeen.
Sida uu qoray Wargeyska New Vision ee ka soo baxa caasimadda Uganda ee Kampala, waxa uu qoray in Ciiddankaasi la abaal-mariyey ay Somalia yimaadeen bishii April ee sannadkii hore, isla markaana ay mas’uul ka ahaayeen Ammaanka Xarumaha muhiimka ee DFS, oo ay ku jiraan Aqalka Dowladda ee Villa Somalia, Golaha Barlamaanka, Garoznka iyo Dekedda Muqdisho.
Taliyaha Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM, Jeneral Michael Kabango waxa uu isagana bogaadiyey Ciiddanka la abaal-mariyey, isagoo sheegay inay si hagar la’aan ah u guteen shaqooyinka adag ee lagu soo celinayo Deganaanshaha Somalia.
Ciiddanka Uganda ee la abaalmariyey waxaa la filayaa inay dib ugu laabtaan dalkooda, iyadoo Ciiddan kale oo cusub la wareegi doonaan goobaha ay Ciiddankaasi ilaaladda ka hayeen.
Dhinaca kale, 159 Askari oo ka tirsan Boliska dalka Sierra Leone, kaana hawl-jirey Jubbaland ayaa waxaa iyagana la guddoonsiiyey Shahaadooyin Abaal-marin ah, kadib, markii ay dhamaystay xilli-hawleed hal sanno ah oo ay qeyb kaga ahaayeen Boliska Hawlgalka AMISOM.
Ciiddankaasi ka socday dalka Sierra Leone waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda dib ugu laabtaan caasimadda dalkooda hooyo ee Freetown.