Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ay la socdeen Ciidamo Ajaanib ah Galabta qarax laagu eegtay duleedka degmada Walaweyn ee Gobolkaas.
Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa la sheegay in kolonyo ay la socdeen Ciidamadaas lala eegtay,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen Ciidamadaas.
Dad ku sugan degmada Walaweyn ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa kadib sidoo kale ay maqleen rasaas farabadan oo goobta ka dhaceysay,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaas.
Ciidamada isugu jira Soomaalida iyo Ajaanibta ayaa daqiiqado ku hakaday goobtii qaraxa lagula weeraray,waxana xilligaas hakad galay isku-socodka Gaadiidka wadada ku socdaalayay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas,iyaga oo sheegay in ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada qaraxaas.