Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegaayaan in Ciidamo ilaalo u ahaa Fanaanada Fartuun Birimo ay dad Shacab ah ku laayeen halkaas.
Arintaan ayaa timid kadib markii dadkaan iyo Culuma’udiin la socday ay isku dayeen in ay ka hor joogsadaan Fartuun Birimo oo dooneysay in ay Show ku qabsato Garoonka Diyaaradaha Koonfurta Gaalkacyo taas oo keentay in ay rasaas ku furaan.
Inta laxaqiijiyay rasaastaas waxaa ku geeriyaaday 1 ruux halka midkale uu dhaawac soo gaaray kaas oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo.
Intaas kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug kuwaas oo la wareegay amaanka Goobta,iyada oo ay xusid mudan tahay in Caawa ay Fartuun Birimo sirasmi ah Showgii u qabsatay.
Weli wax war ah dhankeeeda kama soo bixin Fartuun Birimo dhibaatadaan ay geesteen Ciidamadeeda.