Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca xiga Puntland ayaa waxaa saakay ka socda howlgal ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Puntland qeybahooda kala duwan, waxaana kasoo baxaya faah-faahino.
Ciidamo isugu jira Milateri, Boolis iyo kuwa gaarka ah ee PSF ayaa howlgalka ka wada dhammaan xaafadaha Gaalkacyo, iyagoona baaritaano kala duwan ku saameynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo Guryo bartilmaameed u ah Ciidamada.
Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa soo weriyay in gebi ahaan ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga Magaalada, isla markaana waddooyinka waaweyn lagu soo daadiyay ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka nooca dagaalka.
Sidoo kale Ciidamada ayaa yareeyay dhaq-dhaqaaqii dadka ee xaafadaha qaarkood, waxaana mararka qaar la arkayaa Ciidamo su’aalo weydiinaya dhalinyrada, iyagoona qaar kamid ah qabtay, kuwaasi oo laga shakiyay.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Puntland ee ku aadan howlgalka ballaaran ee saaka ka socda waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyagoona la filayo inay faah faahin ka bixiyaa howlgalka socda.
Si kastaba Jimcihii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug uu ka dhacay qarax Is-miidaamin ah oo lagu laayay Saraakiil Ciidan iyo dadweyne shacab ah oo soo dhaweynayay RW Rooble iyo Qoorqoor oo halkaas tegay.