Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug oo gadoodsan ayaa barqanimadii Maanta xirtay wadada laamiga ee duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.
Ciidamada ayaa ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday saddex bil ee lasoo dhaafay, isla markaana sheegay in aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen, iyagoona maanta Jid-gooyooyin ku xiray wadada laamiga ee duleedka Magaalada Cadaado.
Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in Ciidamada gadoodka sameeyay ay muddooyinkii dambe fariisin ku lahaayeen deegaanka baxdo, ayna halkaas iskaga soo baxeen, ka dib markii ay sheegeen in mushaarkii ay ka jaratay Madxtooyada Galmudug.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Saraakiil ka tirsan Ciidamada daraawiishta Galmudug ay wadaan dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in Ciidankaas dib loogu celiyo fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanka Baxdo.
Dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug u xirteen waddooyin muhiim ah, iyagoo ka gadoodsanaa Mushaar la’aan soo wajahday, wallow markii dambe xal laga gaaray arrintaas.