Wararka aan Caawa ka heleyno deegaanada Togga Suug iyo Garmaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Maamulka puntland.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay baadi goobayaan rag ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in Maalmihii la soo dhaafay lagu arkay deegaanadaas ku waas oo sida Saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen ku dhumaaleysanayay halkaas.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaas ayaa waxa ay kulamo la qaateen Bulsahda ku nool deeganada Togga suuj iyo Garmaal,iyagoo kala hadlay sidii ay ugu soo wargelin la haayeen hadii ay arkaan rag ka tirsan Al-Shabaab.
Qeybo ka mid ah gobolada Nugaal iyo Bari  ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ku sii qul qulayay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland kadib weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee  Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisiinka Af-Urur ee Ciidamada Puntland