Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwo miino baarka ayaa waxa ay baaritaano ka wadaan Garaashyo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Baaritaanada ayaa waxa ay ciidamadu ku sameynayaan Garaashyada Gawaarida lagu xareeyo,iyada oo looga shakiyey in ay ku jiraan Gawaari qaraxyo lagu diyaariyay.
Shalay ayay ciidamadu bilaabeen baaritaanada,waxana haatan ay wadaan Maalintii labaad,sida ay Dalsan u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda majirto Gawaari ay heleen,waxana Maalintii labaad ay ciidamadu wadaan baaritaanada Garaashyada ku yaalla degmada Xamar Jajab,waxaana Saraakiishu ay sheegeen in baaritaanada ay ka sameyn doonaan garaashyada ku yaalla dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Baaritaanada Garaashyada ay Ciidamada Miina Baarka Booliska Soomaliya ku sameynayaan ayaa la sheegay in ay tahay mid looga hortagayo in ay weeraro kale ka dhacay Gudaha Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Bishan Gudaheeda ayaa waxaa Magalada Muqdisho ka dhacay dhowr weerar oo ay ugu waa weynaayeen Weeradii Xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo gudaha iyo kii ka dhacay agagaarka madaxtooyada oo ay ciidamadu ka hor tageen.