Maamulka Gobolka Gedo ayaa faah afahin ka bixiyay howlgal ay sheegeen in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kaas oo laga sameeyay deegaano ka mid ah gobolkaas.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka 48aad Guutada 10,aad qeybta 43,aad ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen deegaano ka mid ah gobolka Gedo gaar haan duleedka degmada Buurdhuubo.
Howlgalkaan ayaa Saraakiisha ciidamadu wax ay sheegeen in uu ahaa mid qorsheysan isla markaana lagu dilay Saraakiil ka tirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Ibraahim Muxumed ayaa sheegay in howlgalkaas ay Ciidamadu ku dileen Sarkaal ka tirsan Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Timacase ee duleedka Buurdhuubo.
Waxa uu sheegay in deegaankaas ay Al-Shabaab ku soo galeen si dhuumaaleysi ah balse ay ciidamadu ka hortageen,isla markaana ay kala wareegeen qalab ay wateen oo ay ka mid ahaayeen dhowr neef oo Ari ah sida uu hadalka u dhigay.
Weli majirto Warar madax banaan oo xaqiijinaya in Sarkaal ka tirsan Shabaab ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku dileen duleedka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.