Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland iyo ciidamo kale oo dhawaan ka goostay ku dhex maray deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Soomaaliland ay weerar ku qaadeen ciidamo uu wato Sarkaal ka goostay ciidamadooda oo ku sugan deegaan lagu Magacaabo Buuraleyd.
Sarkaalka Ciidamada la weeraray hoggaaminayo oo lagu Magacaabo Jamaal Baaxad ayaa ku biiray ciidamada kale ee Korneel Caare oo horay Soomaaliland uga goostay,waxaana la soo sheegayaa in dagaalkaas uu khasaaro ka soo gaaray labada dhinac.
Deegaanka Buuraleyd ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamada labada Sarkaal ee Korneel Caare iyo Jamaal Baaxad iyada oo Ciidamadii Soomaaliland ee weeraray inay dib ugu soo laabtaan.