Wararka naga soo gaaraya Magalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi ay ka dhaceen rabshado sababay dhaawaca Haween ka Ganacsada Jaadka (Qaadka)
Dhacdadaan ayaa timid kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliland iyo Haweenka ka Ganacsada qaadka,iyada oo ciidamada Soomaaliland ay rasaas ay furen ay ku dhaawacmeen laba Haween ah.
Mid ka mid ah Waxgaradka Magalada laas-caanood ayaa sheegay in dhibaato ay marwalba ku hayaan Ciidamada Soomaaliland Shacabka laas-caanood,isla marakana taasi ay keentay in Shacabka ay la dagaalamaan.
Weli dhacdadii Maanta ka dhacday laas-caanood kama hadlin saraakiisha sar sare ee ciidamada Maamulka Soomaaliland Haweenka ka Ganacsada qaadka ay Ciidamadooda rasaaseyeen.