Wararka naga soo gaaraya magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ammaanka Puntland ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayey.
Howlgalka ayaa Ciidamadu waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Boosaaso iyo Wadooyinka intaba,waxaana saraakiishu ay sheegeen in lagu qabqabtay tiro dhalinyaro ah oo lagu qabtay iyaga oo ku gudajiro falal lidi ku ah amniga.
In kastoo tirada rasmiga ah oo ay qabteyn saraakiishu sheegin balse dadka ku nool Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka uu saameyn ku yeeeshay Ganacsigooda iyo isu-socodka.
Dhinaca kale Ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen waxa ay beegsanayeen Gaadiidka uu ku xiran yahay muraayadaha Madoow,iyaga oo ka fiiqayey muraayadaha,kadib dugniino hore oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Booliska Gobolka Bari.