Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee (PSF) ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen Buuraha CalMadow ee Gobolka Bari.
Ciidanka PSF ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Buuraha CalMadow ee Gobolka Bari.
Howlgalkaas ayaa sigaar ah waxaa ay Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee (PSF) uga fuliyeen buuraleyda Mariidle ee Gobolka Bari.
“Ciidamada PSF waxay ay 23-ka Bisha September 2019  la beegsadeen weerar qorshaysan Al Shabaab ee ku sugnaa Buuraha Cal Madow,gaar ahaan buuraleyda Mariidle waxayna PSF gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh,Ciidanka PSF waxay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaabâ€ayuu yiri War ka soo baxay Ciidanka Puntland.
Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee (PSF) ayaa dhowr jeer oo horey howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish ka sameeyay Buuraha CalMadow ee Gobolka Bari.