Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbad Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Cidamada Jubbaland ay Xabsiga dhigeen mid ka mid ah Wariyayaasha ka howlgalla Magaaladaas.
Wariyaha ayaa waxaa lagu Magacaabaa Saabir Cabdiqaadir Warsame (Honest) Waxa uuna yahay Wakiilka Tv-ga Soomaali Cable uga soo hadla Magaalada Kisamayo.
Wariyaal ku sugan Kismaayo ayaa sihoose ugu sheegay Radio Dalsan in Wariyaha xiliga la xirayay uu ku howlanaa duubista Warbixin ku saabsan Sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweye Farmaajo.
Wariye Saabir ( Honest) ayaa xalay ku hoyday Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo,waxana la sheegay in Ciidamada xiray ay ahaayeen kuwa Nabad-Sugida Jubbaland.
Weli laamaha amniga Jubbaland wax afah faahin ah kama bixin sababta ay u xireen Wariyaha.