Shabakadda Wararka ee ka faalloota Arrimaha Difaaca ee lagu magacaabo DefenceWeb ayaa daabacday in Ciiddanka Qaranka Somalia dhawaan la soo gaarsiiyey Gaadiid Milliteri oo loogu talagalay inay kula dagaalamaan Alshabaab.
Shabakadda ayaa qortay inay Gaadiidkaasi oo lagu soo farsameeyey dalka Shiinaha ku jiraan 13 Gawaaridda Gaashaaman ee TIGERS, kuwaasi oo horey loo isticmaalay, isla markaana lagu soo rinjiyeeyey Astaanta Ciiddanka Xoreynta Dadka Shiinaha.
Gawaarida Gaashaman ee TIGERS oo midkiiba uu culayskiisu dhana yahay 6.5 Tan waxa uu qaadi karaa 10-qof oo uu ku jiro Dareewalka.
Ciiddanka Qaranka ee SNA waxay bishan September 3-dii shaaciyeen Sawiro muujinaya ugu yaraan 12 Gawaarida Gaashaaman ee TIGERS. 13 gaadiidka dusha ka furan ee FORD, 5 gaadiidka xamuulka iyo gaadiid kale.
Dhinaca kale, Machadka Calaamiga ee Cilmi-baarista xogta Hubka la dhoofiyo oo ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stocholm waxay sheegtay Tan iyo sannadkii 2014-kii in Dowladda Somalia loogu deeqay 22 Gawaarida Gaashaman ee noocyadooda kala yihiin ACMA, REVA Â iyo RG31 Nyalas